11 Farsamo oo aad uga hor-tagi karto in uu kaa burburo fayl shirkadeed-kaaga QuickBooks.



#1.  Keyd (Back up) ka qaad faylka shirkaddaada mar walba  sida oo kale hubi bad-qab-ka faylka.

Mar kasta oo aad keyd ka qaado faylkaaga waxaad ogaanaysaa in uu bad-qabo iyo inkale. Waxa wanaagsan inaad keyd-kaaga dhigato meel ka baxsan halka uu yaalo faylka lagu shaqaynayo sida guriga ama xog kaydiye kale. Waxa ugu fiican xog kaydiyo online ah.

#2. Markasta oo aad shaqada ka dhamaysato ka bax faylka Shirkadda

Markasta oo aad ka baxdo faylka  shirkaddaada markaad shaqada ka dhamaysato  taasi waxay kor u qaadaysa  inaad ka badbaado ciladdaha uu keeno korontada oo ku go’da ama koombuyuutarka oo shoodh koronto ku dhaco taasi oo burburinaysa faylka shirkaddaada.

#3. Liis-ga (list items) alaabta aanad isticmaalin ka dhig mid qarsoon (inactive)

Liis-ka alaabta aad iibiso oo aad cusboonaysiiso/jadiidiso waxay keenaysaa in ay horumarto xawaaraha iyo tayadda marka aad furayso warbixin

#4. Marka walba dib isugu celi liistooyinka aad kala wareejiso (Resorting lists)

Marka aad liisto kala wareejiso ee aad ka leexisid  sidii asalka u ahayd ee lagu yaqaanay QuickBooks marka aad hawshaada ka dhamaysato kusoo celi sidii asalka ahayd taasi waxay kor u qaadaysaa caafimaad qabka faylkaaga.

#5. Hadii aad dareento in uu hoos u dhacayo   waxqabadka iyo xawaaraha faylkaagu isku day inaad yarayso faylka.

Markasta oo xadiga faylka QuickBooks sii weynaado waxa hoos u dhaca waxqabadka iyo xawaaraha faylka.  Runtii ma jiraan cabir la isla yaqaano ay tahay inaanu dhaafi Karin faylka QuickBooks laakiin waxa samayn weyn ku leh isku xidh-ka iyo qalabka aad isticmaalaysaa ayna gaadhsiisneyn heer uu ku shaqayn karo faylkaagu

#6.  Isticmaal adeegga fayl yareeyaha  (Condense)

Adeegan fayl yareeyaha (File Condense) waxa laga yaaba inuu Meesha ka saaro liistooyinka iyo dhacdooyinka ganacsi ee aan muhiimka ahayn sida kuwa madhan. Laga soo bilaabo sanadkii 2019 adeeggani waxa uu baabiyaa raad-ka hanti-dhowrka (audit trail) taasi oo sababi jirtay in uu faylku u koro si aan xad lahayn iyada oo faylka yaran kartaa ku dhawaad 30%.

#7: Fahan adeega “Enhanced Inventory Receiving “ Ka hor inta aanad daarin ama shidin

Adeegan “ Enhanced Inventory Receiving “ waxa laga helaaa  QuickBooks Destkop gaar ahaana qaybta Enterprise. Adeeggan waad shidi/daari kartaa laakiin ma bakhtiin/damin kartid marka aad daarto/shido kadib. Inta aanad adeegan daarin waa inaad samaysataa keyd (back up). Maqaal kale ayaan kaga hadli doonaa adeegan oo faahfaahsan.

 #8: Hubi inaad haysato qalabkii ugu danbeeyey ee uu ku shaqayn karo barnaamij xisaabeedka QuickBooks Desktop sida oo kale in qalabkaagu  ka badqabo fayras.

Si aad kor ugu qaado waxqabadka iyo amaanka faylka shirkaddaada isticmaal qalabkii ugu danbeeyey ee la jaanqaadi kara barnaamijkan. La tasho farsamayaqaanada cilmiga IT-ga si aad u hesho qalab gaadhi  kara  heerka uu barnaamij-kani ku shaqayn karo. Waxaad isticmaali kartaa adeega “Talo QuickBooks Cloud Hosting” oo kuu sahlaya in faylka shirkaddaada lagu dhigo  Cloud caalami ah oo amaan ah.

#9. Kordhi awooda qalabka aad isticmaalayso

Koomyuutarada leh nooca drive-ka loo yaqaan  “ Solid State Drives” (SSD) waxay leeyihiin xawaare , horumar iyo deg degsiimo aad uga sareeya kuwa leh nooca drive-ka loo yaqaan Hard Disk Drive (HHD). Shirkada Talomaal waxay mar walba kugula talinaysaa inaad barnaamijkan ku isticmaasho koombuyuutar leh drive-ka SSD.

Baranaamij xisaabeedkan “QuickBooks Desktop” waxa uu xogta shirkaddaada kasoo akhrinayaa keydiyaha (Hard Disk) taas badalkeeda kama soo akhrinayo xasuusta (Memory) sidaas awgeed waxa kasta oo horumarinaya xog kaydiyaha koombuyuutarka (Hard Disk) waxa uu horumarinaya horumarka iyo xawaaraha barnaamijkan.

 

#10. isticmaal dab-kaydiye (UPS) kana fogow koronto ama laydh kala go’aya.

Dab-kaydiyuhu (UPS)  waxa uu kaa caawinayaa in uu koombyuutarkaagu  helo dab joogto ah xataa marka korontadda/laydhka/nalku damo amo tago. Arntani waxay horumarinaysaa bad-qabka faylka shirkaddaada. Dab-kaydiyuhu  wuxuu kuu ogolaanayaa in uu kusiiyo waqti kugu filan inaad barnaamijka iyo koombuyuutarkaba ku damiso si aan dhaawac u iman.

 

#11:  Ha  ku xidhin koombuuyarkaaga iyo barnaamikaaga “QuickBooks Desktop”  internet ah wireless marka aad ku isticmaalayso isla goobtaada.

 

Sida aynu wada ognahay internetka wireless-ka ah waa uu ka tayo iyo xawaare hooseeyaa internetka soo dhex mara wire-ka.  Marka aad barnaamijkan ku isticmaalayso “wireless internet” waxa jirta in xogtu hore iyo dib/gadaal u socoto hadii markaas aanu internet-ku ahayn mid tayo leh waxa uu sababi karaa in xogtaasi dhaawacanto. Marka waxa fiican marka barnaamijkan aanu Hosting ku jirin ee aad koombuyuutar ku hor yaala ku isticmaalayso in aad internet ku sticmaalin gaar ahaana Wifi.

Shirkada Xisaabaadka iyo Hanti dhowrka ee Talomaal waxay kuu soo bandhigaysaa inaad isticmaasha adeega “TaloCloud QuickBooks Hosting” oo si amaan iyo heer sare ah kuugu haynaysa faylka shirkaddaada iyada oo ay gacanta kuugu hayn doonaan injineero aqoon u leh oo xidhiidh la leh shirkadda iska leh barnaamijkan. Marka aad isticmaasho adeega “TaloCloud QuickBooks Hossting” waxaad yaraysay khatartii ku iman lahayd faylka shirkaddaada.

Hadii aad barnaamika ku isticmaalayso isla xafiiskaaga ama goobtaada shaqo waxay Talomaal kugula talinaysaa in aad mar walba isticmaasho nooci ugu danbeeyey ee barnaamijka sida oo kale  inaad isticmaasho  qalabkii ugu danbeeyey eee barnaamijkan la jaanqaadi kara.

Wixii talo ah mar walba waxaad la soo xidhiidh kartaa Shirkada Talomaal adiga oo soo booqonaya  www.talomaal.com 

 



𝗔𝗮𝘀𝗮𝗮𝘀𝗸𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 (𝗕𝗼𝗼𝗸𝗸𝗲𝗲𝗽𝗶𝗻𝗴) 𝗲𝗲 𝗮𝘆 𝗧𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗢𝗴𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗠𝘂𝗹𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱 𝗬𝗮𝗿 𝗼𝗼 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗖𝗮𝘀𝗿𝗶𝗴𝗮𝗻 𝟮𝟬𝟮𝟯.