๐—”๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ (๐—•๐—ผ๐—ผ๐—ธ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฝ๐—ถ๐—ป๐—ด) ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฎ๐˜† ๐—ง๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป๐˜‚๐˜‚ ๐—ข๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ ๐— ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฌ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ผ๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐˜€๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐—ป ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ.

Waa Maxay Xisaabaad (Bookkeeping)?Xisaabaad-ku (Bookkeeping) waa hab lagu diwaangaliyo, lagu kala horo, laguna daba galo dhacdooyinka ganacsi iyo xogta ku saabsan shirkad ganacsi.

ย 

Xisaabaadku waa mid ka mid ah rukunadda aas-aassiga ah ee lagu maamulo shirkad ganacsi. Xisaabaadku (Bookkeeping) waxa gala oo ka baxa xog faro badan oo ku saab san ganacsiga sida daymaha Shirkadda lagu leeyahay (Account Payables) iyo daymaha Shirkada ka maqan (Account Receivables) iyo koontooyinka xisaabta oo la isku miisaamo. Xisaabaadku waa wax fudud oo la fahmi karo hadii loo kala dhig dhigo talaabooyin kooban oo sahlan. Qof kasta oo doonaya inuu noqdo Xisaabiye Wanaagsan (Good Bookkeeper) waxa looga baahan yahay inuu barto toddoba erey bixin ee aan hoos ku sheegi doono.

Xisaabaadku waa qayb muhiim oo ku saabsan inaad maamusho cafimaad-qab-ka maaliyadeed ee shirkaddaada. Xisaabiyuhu wuxuu diwaangaliyaa oo kala horaa dhamaan dhacdooyinka ganacsi si uu uga sameeyo warbixin maaliyadeed oo sax ah oo ku saabsan dakhliga iyo kharashka shirakadda ganacsi.In kasta oo xisaabaad-ku u muuqdo cilmi adag haddana hadii la fahmo dhowr ka mid ah mabโ€™aaddida ka dambaysa waxa uu kuu noqon karaa bilow wanaagsan. Halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa toddoba erey bixin oo wax weyn kaa badali kara.

๐Ÿญ. ๐—œ๐˜€๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ด-๐˜๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ธ๐—ฎ (๐—”๐—ฐ๐—ฐ๐—ผ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—˜๐—พ๐˜‚๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป)Isleeg-ta xisaabaadku waxay muujisaa xidhiidhka ka dhaxeeya hantida shirkadda (assets) , daynta lagu leeyahay Shirkadda (Liability) iyo raasamaalka shrikadda (equity). Isleegtu waxay u dhiganta sidan hoos ku xusan.(Hanti (Assets) = Deyn (Liability) + Raasamaal (Equity)Isleegtani waxay inoo sheegaysaa in hanti kasta oo shirkad taalaa ay leโ€™eg tahay deynta lagu leeyahay oo lagu daray raasamaalka. Isleegtani waxay inoo sheegaysaa inaanay jirin hanti aan cidi lahayn oo Shirkad taalla sababta oo ah ama waa deyn oo dad dibada ka ah shirkadda ayaa leh ama waa raasamaal oo waxa leh dadka shirkadda iska leh. Hadii Hantidu ka badan tahay deynta waxa jira raasamaal. Shirkaddiba shirkadda ay ka raasamaal badan tahay ayey ka fiican tahay.

๐Ÿฎ. ๐—ž๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ผ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ (๐—”๐—ฐ๐—ฐ๐—ผ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด ๐—Ÿ๐—ฒ๐—ฑ๐—ด๐—ฒ๐—ฟ)Koonto xisaabeedku waa diwaan sida buug ama hab lagu diwaangaliyo dhacdooyinka ganacsi laguna kala horo. Waana aas-aas-ka xisaabaad-ka shirkad kasta. Koonto xisaabaadku waa isku xidhaha dhamaan xogta maaliyadeed. Hadii aad haysato qaab xisaabeed sida QuickBooks isaga ayaa kuu maamulaya koonto xisaabeedkaaga.

๐Ÿฏ.๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ธ๐—ฟ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต (๐—”๐—ฐ๐—ฐ๐—ฟ๐˜‚๐—ฎ๐—น ๐—”๐—ฐ๐—ฐ๐—ผ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด) Mid ka mid ah qaab xisaabeedada ugu caansan ee la isla qaatay waxa loo yaqaan xisaabaadka akruwalka ah (accrual accounting). Xisaabaadka akruwalka ahi waxa uu aqoonsadaa dhacdooyinka ganacsi marka ay dhacaan mana tixgaliyo marka lacag is-weydaarsi dhaco. Tusaale ahaan xisaabaadka akruwalku waxay dakhliga aqoonsadaan marka adeeg ama alaab la iibiyo mana sugaan inta lacagta lasoo bixinayo ,waxaanay abuuraan deyn Shirkadda ka maqan (account receivable). Dhanka kharashka xisaabaadka akruwalka ahi waxay aqoonsadaan marka ay dhacaan sida biil koronto oo la isticmaalay mana sugaan inta lacagta biilka la bixinayo waxaanay abuuraan deyn Shirkada lagu leeyahay (Account Payable).Xisaabaadka Akruwalka ah waxa kasoo horjeeda xisaabaadka kaash-ka ah (Cash Accounting). Xisaabaad-ka kaash-ka ah maaha kuwo caalami ah oo la isla qaatay waxaanay kasoo horjeeda mabaaโ€™ddida xisaabaadka hase ahaate waa muhiim oo waxa mararka qaar uu kaa caawinayaa goโ€™aan qaadashada.

Xisaabaadka Kaashka ah waxay dakhliga aqoonsadaan marka adeegii iyo alaabtii la iibiyey lacagtiisii lasoo bixiyo sidaas awgeed ma aqoonsana iib-ka deynta ah oo ma laha deyn Shirkada ka maqan (Account Receivable). Dhanka kharasha waxay aqoonsadan kharashaadka la galay marka la bixiyo oo keli ah sidaas awgeed ma aqoonsana wax deyn ah oo Shirkada lagu leeyahay (Account Payable).

Dood badan ayaa ka taagan labadan qaab xisaabeed mid ka saxda ah waxase la isku raacay in Xisaabaadka akruwal-ka ahi ay koobsanayaan labada dhinac ba isla markaana warka runta ahi ku jiro habka akruwalka. Habka kaash-ka waa hab si fudud loo fahmi karo waana hab ay fahmi karaan dadka aan aqoon ahaan usoo dhigin xisaabaadka. Habka kaasha waxaynu ku tilmaami karnaa habka rasmiga ah (default) ee bini-aadmigu kusoo dhasho. ย 


11 Farsamo oo aad uga hor-tagi karto in uu kaa burburo fayl shirkadeed-kaaga QuickBooks.